Isniin, May, 07, 2018, Xubno ka tirsan Mudanayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in Cabasho ka yihiin Madaxtooyadda Soomaaliya oo ay sheegeen in mararka qaarkood lagu dhibo.

Senatorada Aqalka Sare waxaa ay tilmaameen in Wasiirada Xukumada Qaarkood iyo Madaxtooyadda aysan aqoonsaneyn Xildhibaanada Aqalka Sare, islamarkaana marar qaarkood ay la kulmaan dhibaato.

Waxaa ay intaasi ku dareen in marar badan ay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ka hor istaageen shaqooyin dastuurku uu u idmaday taasina ay tahay wax aan la aqbali karin.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagamamaarmaan ay tahay in la ogaado waxa uu yahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowlada Federalka taasi oo ay shaki galiyeen Madaxtooyada Soomaaliya.

Isku soo wada Duube Aqalka Sare ayaa hada waxaa uu jiraa wax yar ah Hal Sano iyo bar, waxaana dadka qaarkood ay ku wareersan yihiin shaqooyinka uu qabto iyo waxa loo igmaday.