Isniin, May, 07, 2018, Shirkadda Gawaarida ee TOYOTA ayaa 27 sano ka dib waxa ay Xafiis ka furteen Dalka Soomaaliya gaar ahaa Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xariga ka jaray Xafiiskan Shirkada TOYOTA ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qayb ka tahay maalgashiga shishiiye ee Soomaaliya.

“Dowlada Siyaasadeedu waa kobcinta dhaqaalah marka TOYOTA oo kaliya ma’ahan kambaniyo badan oo waa weyn ayaa qadka ku soo jira, waxaan ku rajo weynahay wax soo saarka Soomaaliya in suuqyo badan aan la geeyo iyo wadamada Dariska a” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in Xafiiska TOYOTA uusan ku ekaan doonin Muqdisho balse uu gaari doono Dhamaan Gobolada Dalka, waxuuna tilmaamay in Gaadiidka ugu badan ee dalka laga isticmaalo uu yahay ku ay soo saarto shirkada TOYOTA waxaana lagu soo gadan jiray si aad u liidato iyadoo uu sheegay in ay soo mari jireen ilaa sedex gacan sida iyadoo Japan lagu soo isticmaalay hadana Imaaraadka lagu soo isticmaay uu dalku imaan jiray balse hada waa ay ka badalantahay oo waxaa la heli doonaa iyagoo cusub ayuu shaaciyay Wasiir Maareeye.

Ugu dambeyntii Wasiirku waxaa uu sheegay in ay wadaan in alaabaha Soomaaliya loo iib geeyo suuqyada caalamka halka maanta Soomaaliya wax loo soo iibgeeyo.