Isniin, May, 07, 2018, Waxaa Maanta Soo gaaray Dagmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan Wafdi uu hogaaminayay Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Duleedka Dagmada ayaa Waxaa Kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah Maamulka iyo Shacabka kunool degmada Matabaan.

Imaatinka Wafdiga ayaa lagu sheegay iyadoo Baryihii u dambeysay ay halkaasi ka socotay Gogol Nabadeed oo lagu hashiisiinayo Beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay Deegaano ka wada tirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud,

Sheekh Shaakir iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb noqdaan dadaalada Nabadeed ee Beelahaasi walaalaha ah lagu dhameeynayo Colaada u dhaxeyso.

Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay si wada jir ah uga qeyb qaadanayeen dib u heshiisiin Beelahan taasoo ay gogosheedu taalo degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.