Axad, May 06, 2018, Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaanGuddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka.

Guddiyadan uu la kulmay Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa waxaa ay kala yihiin guddiga Difaaca ee Golaha iyo guddiga dib u heshiisiinta, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Guddoomiyaha cusub iyo guddiyada joogtada ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya iyo Sidoo kale dardar gelinta howlaha muhiimka ee Golaha horyaalla.

Dhageysiga Warbixinda Gudiyada ka dib waxaa uu Guddoomiye Mursal Gudiyada kula dardaarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin.

Dhanka kale waxaa maanta si rasmi ah u bilowday dhismaha Xarunta KMG ee Golaha Shacabka uu ku sii shaqeynayo inta laga dhisayo Xarunta weyn ee golaha shacabka waxaana si rasmi ah u daah furay dhismaha lagu sameynayo xarunta KMG ee Golaha shacabka ku sii shaqeynayo Gudoomiyaha.

Xarunta maanta dhismaha lagu bilaabay ayaa ah Xarunta Villa Hargeysa waxa ayna noqoneysaa xarunta KMG ee Golaha Shacabka iyadoo markii la dhameeyo dhismaha xaruntan ay Xildhibaanada golaha shacabka kusoo wareegi doonaan xaruntan, markaasi ka dibna si toos ah ayaa loo bilaabi doono dhismaha xarunta weyn ee Golaha shacabka.