Arbaco, May, 02, 2018, Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Dhamaan Dowladaha Taageera Soomaaliya ayaa waxaa uu ka dhacayaa Maanta Magalaada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Soomaaliya shirkan waxaa ku metelaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay xilli dambe gaaray Magaalada Brussels.

Shirkan ayaa inta badan looga hadli doonaa suurto galnimada oo wakhtiga kala guurka ah ee la filayo in ay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga dalka.

Dhanka kale Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Faqi ayaa waxa uu sheegay shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub inuu gogol xaar u yahay mid kale oo dhacaya bartamaha sanadkan.

“Ra’iisul Wasaaraha halkan nabad ayuu ku yimid, wuxuu ka qeyb galayaa shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo isaga uu shir guddoomin doono, si gaar ah waxaa diirada loogu saari doonaa sidii loo dhisi lahaa Ciidamada Millitariga iyo sidii dalka loogala wareegi lahaa AMISOM.” Ayuu yiri Amb. Faqi.

Ugu dambeyntii Kulankan maanta ayaa waxaa uu dabo socdaa sida la shaaciyay shir 26-kii April ku dhexmaray Magaalada Muqdisho, Beesha caalamka, Wakiillo matalayay Hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana la sheegayaa in qorshayaasha ugu waa weyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa Midowga Afrika.