Arbaco, May, 02, 2018, Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) ayaa Warbaahinta u sheegay in Xukuumaddu ay ugu talo gashay Arrimaha taakulaynta iyo Gurmadka Qaran ee loo sameynayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen lacag dhan Hal-Milyan oo dollar($1,000,000).

Mudane Mahdi Mohamed Gulleid Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in loo baahan yahay shacabka iyo dawladuba in ay gacmaha isku qabsadaan sidii loo samato bixin lahaa islamakrnaa gargaar degdeg ah loola gaari lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku.

“Si aan ugu dhiirigelino shacabkeena Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan taakulaynta dadkooda dhibaataysan, Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.” Ayuu yiri ku simaha Ra’iisalwasaaraha ahna R/W ku xigeenka dalka”.

Dhowaan ayay ahayd markii Raiisul Wasare Xasan Cali Khayre uu Gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban 22 ruux islamarkaana Gudoomiye u yahay Ra’iisal Wasaare Kuxigeeka kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii loo samato bixin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.