Arbaco, May 02, 2018, Ciidamada Dowlada Kenya ayaa bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan Ragga ka tirsan Alshabaab oo la sheegay in ay qorraan dhalinyaradda ku biiraysa Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ku raad-joogaan islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan Waqti dhaw ilaa 3 Ruux oo la sheegay in ay qoraan dhalinyaradda, kuwaasi oo la tilmaamay in ay ku sugan yihiin Gobolka Xeebta ah ee Kenya waxayna intaasi ku dareen in ay ka raadinaya Deegaanada Kilifi iyo Lamu.

Magu Mutindika Guddoomiyaha Gobolka Kilifi, ayaa sheegay in labo ka mid ah Dadka Al-shabaab u qora dhallinyarada ay degganyihiin Kilifi iyo Lamu halka mid saddexaadna faah faahintiisa lagu daba jiro.

Baadi goob xoogan ayaa hada socda waxayna arrintani ka dambeysay ka dib Markii ay dhawaan 13 dhallinyaro ah ay ciidanka Difaaca Kenya si xoog ah uga soo furteen Al-shabaab kuwaas oo ay sheegeen in ay ku tababarayeen degaano hoos yimaado Raaskambooni ee Gobolka Jubada hoose.

Al-Shabaab ayaa sanadihii ugu dambeeyay la sheegay in ay ku biirayeen dhalinyaro badan oo u dhashay Kenya, kuwaasi oo la sheegay in markii hore ay soo qoreen Rag ka tirsan Shabaab oo ku sugan Gudaha Kenya.