Isniin, April, 30, 2018, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Maamulka Gobolka Hiiraan, Odayaasha Saraakiisha iyo Qeybaha Bulshada

Madaxweynaha ayaa booqday goobihii ay saameeyay Fatahaada Wabiga Shabeelle Islamarkaana at ku barakaceen dadka Magaalada Beledweyne Xili at sidoo kale jiraan Roobabka Xiliga Guga oo si aad ah uga da’aayo Gobolka,

Ugu yaraan 150,000 oo Qof ayaa ka barakacay Magaalada iyadoo dadkaasina at qabteen Bariga iyo Galbeedka Magaalada Beledweyne deegaano hoosyimaado.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka taagan Xaalad Adag, waxaana barakacay dhammaan dadkii ku sugnaa Magaalada Hay’adaha Samafalka iyo dowladda Federaalka ayaa hada ku howlan qorshe gargaar lagu gaarsiinayo dadka,