Axad, April, 29, 2018, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibada iyo Xariirka Caalamiga ah Mudane Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa gaaray Magaalada Jubba ee Caasimada wadanka Koonfur Sudan.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa Magaalada Jubba uga qeyb galay Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibada IGAD kaasi oo looga hadlayo xal u raadinta Wadankaasi.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibada Koonfur Sudan iyo Diblumaasiyiinta Safaarada Soomaaliya ee magalaada Jubba.