Sabti, April, 28, 2018, Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax Isimiidaamin ahaa oo Maanta ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

War ka soo baxay Al Shabaab oo lagu baahiyay barahooda Internet-ka ayaa lagu sheegay in iyago ay ka dambeeyeen qaraxaasi.

Waxaana warka qoraalka ah ee ka soo baxay Al Shabaab lagu sheegay in qaraxaasi lagu dilay illaa 5 Sarkaal oo uu ka mid yahay Taliyihii Ciidamada isku dhafka Gaashaanle Sare Cabdi Xukun C/laahi Xoreeye, sida ay hadalka u dhigeen.
Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka magaalada Gaalkacyo oo ku aadan qaraxaasi.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan, ayaa waxaa la sheegay in ilaa 4 ruux ay ku geeriyootay 3 kalana ay ku dhaawacmeen.