Jimco, April, 27 2018, Guddiga qaban-qaabada doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in aan loo baahneyn xubno korjoogto ka noqda doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu wado in ay dhacdo Isniinta todobaadka danbe oo ku beegan 30ka bishan April.

Guddiga ayaa sheegay in micno badan aysan soo kordhin doonin ka qeyb-galka dad badan oo aan haddana wax shaqo ah ka dhax qabaneyn goobta doorashada sidaa daraadeed laga maarmi karo ka soo qeybgalkooda.

Waxaa ay sheegeen in dhinacooda ay ka shaqeyn doonaan in doorashadu ku dhacdo si xor iyo xalaal ah islamarkaana wax mugdi aanay ku jirin.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa diyaar garowga doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo sida uu qorshaha yahay dhaceysa 30-ka bishan April.