Arbaco, April, 25, 2018, Diblomaasiyiin ka kala socda 85 waddan iyo hay’ado ayaa maanta ku kulmayo magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, kaasi oo looga wada xaajoonayo xaaladda Suuriya.

Ujeeddada ugu muhiimsan ee shirkan ayaa ah in dhaqaale gargaar loogu uruuriyo 700,000 oo suuriyiin dheeraad ah, kuwaasi oo soo barakacay bilowgii sanadkaan.

Waa shirkii lixaad oo noociisa oo kale ah.sanad kastoo ina dhaafana xaaladda suuriya waa mud ka sii daraysaa oo niyad jab ah.

Ugu yaraan boqol iyo konton kun oo qof ayaa guryooda ka yuulaya bariga quuda ka qaxay dagaaladii goor dhowayd ay dowladda ku qaadday halkaasi awgeed.

Dhanka kale dagaalka dowladda Turkiga ay ka waddo waqooyiga Suuriya ayaa sababay in saddex boqol oo kun oo qof oo kale ay guryohooda ka cararaan.

Gobolka Idlibna,oo ah goobta kaliya ay ku xooggan yihiin xoogagga mucaaradka waxaa ku sugan hal milyan oo qof oo barakacayal ah.

Marka xaaladda Suuriya  waxa ay taagantahay quus oo majirto xilli ay haatan ka darantahay.