March 21, 2018    Radiowanlaweyn.com    Cayaaryahan N’Golo Kante ayaa kasoo yeeray hadal jamaahiirta Chelsea farxad galiyay kadib markii u ka dhawaajiyay in Stamford uusan meel kale ku doorsan doonin.

Kante waxaa siweyn loola xariirinayaa naadiga PSG oo dooneyso inay Ligue 1-ka France ku celiso khadka dhexena ku xoojisato madaama Thiago Motta uu ka duqoobay.

Balse N’Golo Kante wuxuu yiri “Waxaan joogeyga gurigeyga waana Stamford Bridge, waxaana ku faraxsanahay ka mid ahaan shaha Chelsea mana jirto naadi aan ku doorsanyo”

“Waa sanadkeyga labaad ee aan Chelsea la joogo, sanadkii hore horyaal ayaan la qaaday sanadkeyga labaadna Champions League ayaan kala qayb qaatay kooxdeyda, waxaana dooneynaa inta xili cayaareedkan ka harsan inaan kaalinta 4-aad u dagaalano”

N’Golo Kante hadda wuxuu tababar la qaadanayaa saaxiibadiisa xulka France ayagoo isku diyaarinayaan kulamada saaxiibtinimo Colombia (23 Maarso) iyo Russia (27 Maarso).