18/8/2017 RADIOWANLAWEYN.COM;   Hande Firat waa suxufiyad mudo 20 sano ku dhow ku dhex jirtey saxaafada una dhalatay wadanka Turkiga.
Mss. Hande waxay ka mid ahayd dadka mucaaradsan Siyaasada Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan , laakiin markii ay timid in Millaterigu dib ugu celiyo mugdigii iyo dibu dhacii haystey dadka reer Turki iskuna dayeen iney inqilaabaan madaxweynaha sida codka bulsho loo soo doortay , wixii hore inta dhinac iska dhigtay ayey ka fekertey badbaadinta dadkeeda iyo dalkeeda .


Mss. Hande waxay noqotay qofkii keenay in Madaxweyne Erdogan kasoo muuqdo Idaacadda la iska arko ee CNN Turkish , iyadoo xidhiidh la samaysay gacan yare yaasha madaxweynaha oo markaas ku sugnaa magaalada lagu nasto ee Marmara, una soo jeedisey in madaxweynuhu dadka hadal ujeediyo ayna fududaynayso sidii ay TOOS Ugu xidhi lahayd shaashada TVga iyadoo isticmaalaysa adeegga la iska arko ee FaceTime ka .
Fikradan ay keentay ayaa sababtay in uu fashil weyn ku dhaco askartii inqilaabka wadey maadaama uu madaxweynihii lagu quus gaabnaa dadweynaha la hadlay kuna dhiiri geliyey iney shaaracyada isugu soo baxaan.
Hadaba muwaadin danta gaarka ah ka hor mari danta guud , ka shaqee xasiloonida iyo horumarka dalkaaga, ku dadaal midnimada iyo iskaashiga bulshada , taageer madaxda dalka si aynu uga soo kabano dagaalkii sokeeye fawdadii iyo dawlad la aantii