3/5/2017/radiowanlaweyn.com madaxweynaha DFS maxamed c/laahi Farmaajo ayaa safar ku aaday magaaladda Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaas oo uu ku joogi doono booqasho aan la ogeyn inta ay qaadaneyso.

Safarka Farmaajo ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ximbaarsan yahay arimo waa weyn oo ay ugu weyn tahay siyaasadda uu kala hortagayo Itoobiya.

Laakiin ilo wareedyo kale oo la helay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo inta uu ku sugan yahay Adis Ababa inuu la kulmi doono siyaasiyiin ka socota Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in musharaxa madaxweynaha Somaliland ahna madaxa xisbiga taladda haya ee Kulmiye, Muuse Biixi ayaa tagaya magaaladda Adis Ababa si uu ula kulmo madaxweyne Farmaajo.

Kulankan ayaa ka dhici doonta hoteelka kuyaal magaaladda Adis Ababa, waxaana in labadaan masuul ay kulmaan ka shaqeeyay Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdullahi Cumar.

Arimaha la filayo in Muuse Biixi iyo Farmaajo ay ka wada hadlaan ayaa waxaa kamid ah sidii dowladda Soomaaliya ay ula socon laheyd siyaaasadda Somaliland iyo doorashada dhaceysa dhawaan, Muuse Biixi ayaana la filayaa inuu taageero ka dalbado dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa iney dhawaan cadeyso qaabka uu ku bilaabanayo wadahadalka Somaliland.