18/4/2017(Radiowanlaweyn.com   QM iyo xubnaha beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ku dhiseen golaha amniga qaranka iyadoo ay sii dheertay go’aano kale ay kasoo saareen sidii looga jawaabi lahaa musuq maasuqa iyo arimaha abaaraha dalka ka taagan.

Qaraaradani ayaa imaanaya laba maalmood ay kulan ku lahaayen Muqdisho madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Meykal Keating wakiilka xoghayaha guud ee QM ayaa sheegay in arintaan ay horey u sii dhaqaajinayso geedi u socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya waxana ay aas aas u tahay soo celinta amaanka dalka.

Golahaan ayaa waxaa hogaan u ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed.

Keating oo sidoo kale ah madaxa siyaasada QM ee Soomaaliya ayaa sheegay inay beesha caalamka sii laba jibari doonto taagerada Dowladda Soomaaliya.

Bayaankaan waxaa si wadajir ah u soo saaray dowladaha saxiibada la ah Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah sida QM,AU,IGAD,EU,Talyaaniga Ethiopia,Mareykanka,Turkiga ,UK iyo Swedan