Dowladda Britain ayaa si diiran u soo dhaweysay qodobadii ka soo baxay Shirka Madatasha wadatagashiga ee u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka.

Safiirka Dowladda Britain u fadhiya Magaalada Muqdisho, David Concar ayaa marka hore hambalyo u diray Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ee shirka madasha ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Danjire David ayaa tilmaamay heshiiska ku aadan sugida amniga in ay tahay mid lagu soo celin karo xasiloonidii Dalka Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku dhuftay hadii la adkeeyo amniga Dalka in ay laga adkaan karo Xarakada Al Shabaab oo Dagaal Xoogan kula jirta Dowladda Soomaaliya.

“In la helo xasiloonida Soomaaliya waxey u baahan-tahay in la adkeeyo amniga guud ee Dalka Soomaaliya, waxaana arintaasi ay horseedi kartaa in laga awood roonaado Xarakada Al Shabaab”, sidaasi ayuu ku yiri Danjire David bartiisa Twitter-ka.

Sikastaba, Hadalka Safiirka Dowladda Britain ayaa waxuu imaanayaa xili bisha soo socoto ee Bay lagu wado in Magaalada London ee Dalka Britain lagu qabto shir looga hadlayo arimaha Dalka somaliya