23 /2/217 (Radiowanlaweyn.com)Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa magacaabay Ra’iisul wasaarihiisa.

Madaxweynaha ayaa Ra’iisul wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre, waxaana madaxweyne Farmaajo uu shaqsigan u rajeeyey inuu Allah la garab galo xilka culus ee loo dhiibay.

Shalay ayeey ahayd markii magaalada Muqdisho lagu caleema saaray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo horey u ballanqaadey inuu soo dhisi doono dowlad wax badan ka qabata marxaladda dalka uu ku jiro.

Radiowanlaweyn ayaa goor dhow kala soco faah faahinta Ra’iisul wasaaraha cusub iyo taariikhdiisa.

Email Radiowanlaweyn.com

ibraahim buule siyaasi