14/02/2017 (Radiowanlaweyn.com)Waxaa magaalada Muqdisho shalay soo gaaray Ciidamo ka socda doowlada Burundi oo gaaraya ilaa 800 oo Askari, kuwaasi oo ka soo dagay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, Ciidamadaan ayaa badal u noqon doona batalyonka 34 ee iminka dib ugu noqonaya dalkooda.

Ciidamadaan ka socda Burundi, ayaa waxa Garoonka Aadan Adde International kusoo dhaweeyay Saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dalka Burundi.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa tilmaamay in ay ciidamadani bedel u noqon doonaan ciidamo horay ugu sugnaa Magaalada Jowhar ee gobolkja Shabeelaha dhexe.

Hadaba ciidanka dalka soo gaaray ayaa ka tirsan Guutada 40-aad ee ciidanka dalka Burundi, kuwaasi oo dhawaan la wareegi doona goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada guutada 34-aad oo mudo dheer ku sugnaa gobolka Shabeelaha dhexe.

Email;Radiowanlaweyn.com

ibraahim buule siyaasi