11/02/2017(Radiowanlaweyn.com)

Waxaa booqasho gaabankutagay galinkii danbe xarunta CTC/CTU da dagmada Wanlaweyn anigoo u kuurgalayo xalada xanunkan iyo herkuu maraayo, iyadoo malmahaan gudaha dagmada uu kajiray waxana ku gaaray Xiliga maqribka.

Waxaan halkaas kula kulmay Dr.Mustafa Hussein oo ah dhaqtarka inchageka ka ah xaruntaas si mutadawacnima ahna uugu shaqeynaayo xaruntaan ay dhisteen dadka deegaanka, waxaana ka wareeystay asigoo ad umashqulsanaa xaalada kusoo kordhay shubanka dagmada  iyo Tulloyinkeeda? waxa uuna yiri…..

waad ku mahad santihii boqashadiina Radio Wanlaweyn waxaadna bulshada ugud bisaan xalada caafimaad wana idinku bogaadineynaa howshaas, Hadaan guda galo su’ashada… Haa way jiraan xalada horleh oo imaanayo xarunta iyadoo gudaha dagmada iyo Tuuloyin horleh ay dadka ka imaanayaan Tuloyinka koonfurred sida DAWANLE, HAAKOW, BUUR DHERRE halka markii horre Cudurkaan uu ka dilaacay Tuloyinka Waqooyi Sida BOORAN, LABA GARAS, QAANDHOOLE, MASIIREY, Cudurka oo hatan umuuqda in uu kufiday dhamaan dafaha dagmada iyo gudahaba waxana uu iishegay maanta oo ay tariiqdu tahay 11/02/2017 in lakeenay Xarunta CTCda ilaa iyo 9 bukaan iyagoo halka 2 laga keenay Dawanle, 4far buurdherre halka halqof dhax uugu soo dhintay waxana nolol ku imaaday 3dax Buurdhere, halka 3daxda kale ay ka imaadeen gudaha dagmada waxa uuna Dr. Mustafa ii shegay 9kaas qof waxaa shansano ka yaraa 3 waxana kaweynaa 6 iyadoo halka dhintay oo ahaa qof kaweyn 5 sano, sidaas ogeed xarunta waxa ay u haysaa bulshada kaalin weyn iyadoo shaqaalaha ay diyaar ku yihiin 24saac lanakeeno xiliyada danbe ee habeenkii

 

Waxan kaloo weydiinay howshaan adag yaa garab idinku siyo wax hay’ada ama kaalma kale si aad shaqadiina usiigudataan dawana usii heshaan? waxa ku bilaaway….

Sidaan kuu sheegay xaruntaan waxaa dhistay Bushada lkn shaqada waxaa iska kaashada ISBITAALKA BULSHADA WANLAWEYN oo aan agaasima ka ahay iyo hay’ada WARDI oo qaarka mida shaqalaha keentay iyo dawada loogu shaqeyn lahaa Bulshada Deegaanka wana ugu mahad celineynaa, waxa kaloo xarunta dhiragalin iyo tageraba siiya Maamulka Dagmada wanlaweyn Ugu horeyo Gadomiyaha Maxamed Siidow oo ah qof bulshadiisa kafakirro iyo odayaasha dagmada dhamaantod waa sida uu shegay Dr.Mustafa

ugu danbeyntii waxa uu Dr.Mustafa kubaaqay inlagu dadaalo nadaafada iyadoo wacyi galinta bulshada kor looqadayo inshaALAAH waxana hada Radio wanlaweyn kabaxa Fariin Caafimaad oo ku aadan shubanka waxaana iska kaashaday ISBITALKA BULSHADA WANLAWEYN, MAMULKA DAGMADA IYO RADIO WANLAWEY baaqas in ay bulshada kudadaalaan

waxa kaloo codsi uu ujeediyey dadka wax heysta sida ganaacsatada, jaaliyadaha banaanka jirro in ay xaruntaan ka taageeran gaadiid ama Ambulance oo loga soqaado dadka tuloyinka ama gudaha dagmada madaama aynasoo wacaan anagana aan gaadid u hayn waxa unayirre waa in aan istaageernaa anaga rer wanlaweyn Isku tashanaane inshaALAAH.

 

Ibraahim Buule Siyaasi

@Radiowanlaweyn.com