February 10 (Radiowanlaweyn.com)Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay hoteelka uu degan yahay isagoo fariin udiray shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney si deg deg ah uga laabtaan xaafadahooda oo ay joojiyaan isku soo baxyada ay ka dhigayaan magaalooyinka dalka.

“Waad Mahadsan tihiin, waa ii dabaal degteen, xildhibaanadana waa idin maqleen”ayuu yiri Farmaajo oo la hadlayay shacabka Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa ka hadlay abaaraha dalka ka jira iyo sida loogu baahan yahay in gar gaar deg deg ah loo fidiyo dadkaas dhibtoonaya.

Sidoo kale madaxweynaha cusub ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid allah ha unaxariistee Marxuum Cadde Muuse oo soo noqday madaxweynaha maamulka Puntland.

Waa Fariintii ugu horeysay ee uu maqal iyo muuqaal usoo gaarsiiyo shacabka madaxweynaha umadda Soomaaliyeed Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

EMail:Radiowanlaweyn.com

ibraahim buule siyaasi