02/02/2017(Radiowanlaweyn)

Waxaa laga furay markii ugu horeysay Dagmada Wanlaweyn xarun CTC ah oo lagu daaweynaayo dadka uuso rito xanunka shuban biyoodka, xaruntaan oo sida lasheegay in aay dhiseen dadka rer wanlaweyn oo ugu horeeyo maamulka dagmada, ganaacsatada, bahda caafimadka iyo shirkada Gaabow oo ah shirkada bixisay qarashka ugu badan.

waxaana shalay markii la daah furayey xaruntan looga yeeray odayaasha, ganaacsatada, haweeynka bahda waxbarashada iyo dhamaan qeybaha bulshada oo dhan waxayna soo dhaweeyeen xaruntaan ay dhisteen dadka iyada oo wax hay’ad ah ay gacan ka geysan.

Dr. Mustafa Hussein Abdulle oo ah Agaasimaha Isbitaalka Bulshada wanlaweyn kana mid ah qaban qabiyasha xarruntan CTCda dagmada Wanlaweyn ahna dhaqtarka kashaqeynayo xaruntan. ayaa kawarbixiyey xaruntan qeybaheeda, waxa ay qaban doonto iyo sida ay bulshada uugu faa ideysanayaan, waxa uuna yiri… Xaruntan waxa ay ka koobantahay Sadax hool oo kala ah Qeybta raga oo ay yaalan 12 sariir, qeybta dumarka oo ay yaalan 11 sariir iyo qeybta caruurta oo ay yalaan 12 sariir waxana keed ahan u yaala ilaa iyo 5 sariir isku darka sariiraha waxaa ay garayaan 40 sariir waxa kaloo xarunta ay leedahay qol ay rashinka kucunaan bukan lajooga, qol shaqalaha istimaalan, qol meedka lagu dhaqo iyo 3 musqulood, waxaana uu sheegay in xarunta loodiyariyey habka uugu saxan ee lodiyaariyo xarun CTC ah. waxa kaloo sheegay in ay kala bax san yihiin biyaha lacabaayo iyo kuwa loo isticmalayo nadaafada, halka uu shegay in xarunta lo diyariyey mel dharka lagu dhaqo iyo mel wasaqda lagu gubo, waxa kale uu ka dhawaajiyey in lakontrolayo xarunta qofkaste oo ka baxaayo laguna buufinaayo kabahisa kaloorin, Dr. Mustafa waxa uu bulshada deeganka ka codsaday in ay ku dadaalan nadaafada kenaana xaruntan qofka uu kudhaco shubanka hadii uu fuqbaxana ay guriga falenbo isga xerin wayoo xarunta waa mid free ah, lacag la’ana ah, shaqeyneyso 24 saac diyaarna ku yihiin shaqale hegan ah.

 

waxa kale oo dadka degaanka u shegay in xaruntan dadka ka shaqeyo loosameyey tababaro ku aadan habka logu shaqeyo CTC ama WHO habkey udajisay.

xaruntan waxaa losoo dhameystiray Dhamaan agabka nadaafada iyo kuwa caafimaadka.

waxan booqday galabta xarunta waxaana jiiftay 7 caruur ah oo xanunkan so ritay Dr. Mustafa waxa uu ishegay in ay isugu jiraan carur laga kenay tuloyinka iyo kuwa laga kenay gudaha magaalada.

Email: Radiowanlaweyn

Ibraahim Bulle