January 25 (Radiowanlaweyn.com)Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Dabka, iyadoo loo maleynayo in la bartilmaameedsaday hotelo ku dhow halkaas.

 
Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa ahaa mid xoogiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa kaddib la maqlay rasaas xooggan.
Wararka ayaa sheegaya in la weeraray Hotelka Dayax ee ku yaala degmada Waabari, una dhow Wadada Maka Al-Mukarama.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlayo gudaha Hotelka oo loo maleynayo in dabley hubeysan ay gudaha u gashay qaraxa kaddib.

ibraahim buule siyaasi