January 24 (Radiowanlaweyn.com) labadaan nin oo ah Ganacsato caan ka ah degmada Wanlaweyn ayaa maanta waxaa ka watay ciidamo waxaana loo geystay jirdil ba’an lamana oga in ay dhac geysteen.
ciidamadaan oo marwalba soo weerara deegaanka  islamarkaana wata dadka deegaanka kuna doonayaan madaxfurasho ayaa waxey wateen labo nin oo walaalo ah labadaan oo magac weyn kuleh degmada Wanlaweyn

waxey ku soo weeraraeen 6 gaadiid oo ah tignikada ah islamarkaana ay saarnaayeen 105 nin waxaana loogu yimid ganacsigooda ayagoo marna fileyn dhacdadan balse ugu dambeyn labadan walaalo oo magaalada ku lahaa magac iyo sumcad ayaa waxaa ay ciidamadu qoriga liifkiisa ku garaaceen iyadoo si arxan darro ahna loo dilay ugu dambeynna gaariga ayey saarteen.

 

 

dhanka kale maamulka gegmada wali kama aysan hadlin arinkaan ku saabsan ciidamada caadeestay dhaca dadka iyo xerida dadka waxaana arinkaan ka xumaaday ganacsatada suuqa iyo dadweynaha reer wanlawey waxaynna ku micneeyeen arin laga xumaado iyadoo xaalada degmada ay illaa iyo imminka ladaala dhecyeso Abaar iyo Cuduro loogu daray xaalada cabsi oo ciidamada xagooda ka jirto.
ciidamada ayaa waxeey wateen walaalaha reer bood boode waxeyna la’aadeen dhanka baladoogle oo xarun u ah ciidamadaan lama oga xaaladooda dadka deegaanka waxey wax iska weediinayaan sababta loo xiray iyo waxey galabsadeen ganacsatadaan
ganacsatadaan ayaa ah kuwa ganacsigooda hormariyay wax danbi ahna maynan galin waana dad taariikh fiican kuleh degmada wanlaweyn.

 

iyadoo Degmada ka jirta Abaaro iyo cuduro xoog badan oo wali laga hadlin Abaarahaas ayaa hadana Dadkii loogu daray cabsi isqawasho aan hadlaheen dadka Degmada wanlaweyn ayaa in inbadan ku qabsadeen ma.suuliyeenta degmada falkaan oo mar walba so laalaabta aan waxba laga qaban ilaa iyo hada

 

ibraahim buule siyaasi

E:mail Radiowanlaweyn.com