January 23 (Radiowanlaweyn) waxaa dhawaan ka dilaacay tuuloyinka hoos yimaada Degmada wanlaweyn cudurka shuban biyoodka iyadoo ay jiraan tiro caruur ah oo ugeeryootay.

Dhanka kale waxa jirey abaabul sidii loogu wacyi gilin lahaa Bulshada loogu dhaadhicin lahaa sidii Bulshada ay ula noqon lahaayen kuwo ku xiran xarumaha caafimadka iskana ilaaliyaan sheekoyinka quraafadka.

Ugaas muqtaar xaaji buule oo ka mid ah odiyaal dhaqameedkii wacyi gilinaayey ayuu yiri”cudurka iyo caafimaadka waa wax Alle xagiisa ka qoran dadka waxaan u sheegayneyna in ay qaataan talooyinka caafimaadka waxa jira abaar sidoo kale waxa jra kuleyl mar walba waxa fiican in aan Allaah siiyo dhaqaatiirta sida hurnimada leh biniaadam nimadanada ku jirta ugo gurmanaayo shacabkiina dhibaataysan

sidoo kale Dr mustaf xuseen cabdule ahna maamulka ispitaalka wanlaweyn community Hospital ayaa ka war bixiyey waxa uu ku kalfay in uu maanta meesha marlabaad ku laabto

waxa uu yiri waxaan ka maqalney dhibaata mid ka weyn tii shale AXl waan so xaliney iyadoo dhibaatada wali sii socoto waxaan so siiney talooyin caafimad in kastoo wali sii soconoya cudurkaan maanta waxaan isku keenay meel gaar ah wax yar ka fog tuulada si aan ukala badbaanino kuwa hada fiyoo insha Allaah waxaan kaloo ushegney in xarumo qaas ah hada la diyaarinoya oo logu talagalay cudurkan shuban biyoodka

 

 

ibraahim buule siyaasi