January 22 (Radiowanlaweyn.com)

Cudurka shuban biyoodka ayaa ka dilaacay tuulooyin hoos yimaada degmada W/weyn ee gobolka sh/hoose.

 

Iyadoo ay jiraan cabsi laga muujinayo fiditaanka cudurkan cudurkan oo kamid ah cudurada saf mareenka ah ayaa waxaa la il daran tiro dad ah kuwaaso badankoodu ay yihiin caruur ka da.yar 5 sano iyo kuwa ka weyn 5 sano  inta laxaqiijiyay

 

 waxaa cudurkan ugeeriyootay 5 caruur ah halka tiro kale ay la il daranyihiin. Waxaa qaar kamid ah tuulooyinkaas booqday,

mustaf  xusen C/ule oo ah Maamulaha iyo dhaqtarka W/weyn community Hospital

,Dr.ayaa waxaa oo kawarbixinayay xaalada caafimaad goobaha ay u gurmadeen ayaa yiri

 

“ waxaan u gurmanay qaar kamida  tuulooyin nalooga sheegay in ay ka dilaaceen  cudurka shuban biyoodka waxaan kulasoo kulanay tiro la il daran cudurka shuban biyoodka sidoo kale waxaan aragnay caruur u geeriyootay

“ 

DR ayaan weydiinay in ay dawooyin siiyeen iyo cida garabka kusiisay in ay adeegan u fuliyaan tuulooyinkaan dhorka ah?

 

”haa wey jiraan waxaan gaarsiinay dawooyin kala duwan oo isagu jira faleenbooyin RL,ORS, Zinc Sulfate, Albendazole,iyo kiniiniyaal nadiifiyo biyaha lacabaayo,waxaan bulshada kala hadalnay wacyi gelinay ku aadan habka loogula dhaqmo xanuunkan shubanka iyo waxa looga hortagi karro shubanka oo ay uugu horeeyaan nadaafada cuntada diiran iyo muhiimada Farxalka ama fara dhaqa, waxa kalo kala hadalnay qaabka ay u isticmaali lahaayeen dawooyinkan tuulo waliba waxaan u tababarnay ilaa 3 ruux oo aan barnay habka isticmaalka dawada sida ORSta iyo dawooinka kale. waxaan u reebnay Tuula kastaa Dawoyin badan oo ay uugu horeyaan ORS, Kaniiniyasha muhiimka ah iyo telfon numberadeena si ay inagala soo xiriiraan, waxana kasoo qoranay nambaradoodana si aan u ogaano xaaladooda. Majiraan hay ado garab nagu siiyay dhanka daawada waxaa naga caawiyay hospitalka bulshada W/weyn iyo Shirkada Gaabow oo gacanta ku haayso Isbitaalka Dagmada, sidoo kale maamulka Degmada ayaa naga caawiyay sidii aan u gaari  laheyn goobta”

 

sidoo kale Doctorka ayaa ka dhawaajiyay in ay wadaan dadaalo badan sidii loogu diyaar garoobi lahaa qatarta cudurka shuban biyoodka.

waxaana uu sheegay in loo diyaariyay goobo loogu talagalay bukaanada uu soorito cudurkan kaliya ma ahan Deg W/weyn waxaa jira deegaano badan uu kadilaacay cudurkan iyadoo uu kusoo beegmay xili inta badan dalka ay ka jiraan abaaro saameeyay dadka iyo dunyaba

ibraahim buule siyaasi

E:Radiowanlaweyn.com