January 21 (Radiowanlaweyn.com)Wararka ka imaanaya suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in dhismo ku yaala suuqaasi uu dab xoogan qabsaday.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay Nawaaxiga Suuqa Cabdalla Shideeye, gaar ahaan bakhaarada lagu iibiyo bun qaxwaha oo mid ka mid ah dabkaasi uu ka kacay.
Hadaba warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababihii dhaliyay dabkaasi, qof ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa warbaahinta u sheegay im dabka uu ka dhashay Burjiko taalay goob Shaah lagu Iibiyo Bakhaarka Dabka uu ka kacay hortiisa.
Iyadoo dadka qaarna ay sheegayaan in dabka uu ka dhashay fiilo Koronto, iyadoo uu dabkaasi markii danbe ku sii fiday dhismooyin ku dhaw Guriga Dabka uu ka kacay ee Suuqa Bakaaraha ku yaallo.
Dab damiska Shirkadah Hormuud ayaa durba gaaray goobta uu dabka ka kacay, waxaana iminka lagu howlan yahay sidii loo damin lahaa dabkaasi.

I
ibraahim buule siyaasi