January 20 (Radiowanlaweyn.com)Madaxweynaha wali xilka haya ee Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle ayaa aqalka cad ee ay degi doonaan kusoo dhaweeyay galabta madaxweynaha la doortay Donald Trump iyo xaaskiisa Melania.

Jawiga ay isku qaabileen xubnahan ayaa ahaa mid deggan, waxaana ay si wada jir ah afartooda u hor yimaadeen saxaafadda oo sawirro ka qaadatay.

Xafladda caleema-saarka Donald Trump ayaa iminka waxa ka harsan wax ka yar laba saacadood, waxaana la filayaa goobta ay ka dhaceyso oo ah magaalada Washington ay soo buux dhaafiyaan dadweyne aad u fara badan.

Sidoo kale goobta lagu caleemasaarato ayaa la filayaa in ay soo xaadiraan dad mudaaharaadaya oo kasoo horjeeda madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.

ibraahim buule