January 20, 2017  (Radiowanlaweyn.com).

In kabadan kun neef oo Lo ah oo laga  soo celiyay Dalka Sacuudiga laguna Xareeyay goob  ku taalla Degaanka Siinka-dheer Ee Duleedka Muqdisho.

Goob jooge goobtaasi ku sugnaa ayaa warbaahinta wanlaweyn usheegay in ay indhihiisu qabanayeen Lo  Gaajo dartood isku Cunaya,kuwo ay Naftu ka sii baxeyso iyo kuwo Baqtiyay intaba taas oo saameyn ku yeelan karta Cidkasta oo Aragta.

Lo’da dhibaatada intaas le eg loo geystay ayaa la sheegay in Shirkad laga leeyahay Dalka Masar oo lagu Magacaabo Naas Galoob iyo Soomaali la shaqeysa ay halkaas ku xareeyeen.

Dadkii goobta ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Agaasimaha Radio kulmiye Abwaan Cismaan C.llaahi Guure ayaa sheegay in Arrintaan loo sameynayo in la Xumeeyo Magaca Xoolaha Soomaaliya laguna Dabargooyo.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo asna kamid ahaa Dadkii ku soo baxay Dhibaatada Xoolaha ayaa sheegay in uusan waligii arkin Xoolo Maxaabiis ah ,waxaana uu ugu baaqay Madaxda Sare ee Dowladda  in ay wax ka qabtaan Dhibaatadaan.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda oo Goobta lagu Xareeyay Loda ay hoostagto Maamulkiisa ayaan wax ka weydiinay Dhibaatada haysata Lo’da,waxaana uu noo sheegay in Mar hore loo sheegay oo ay wadaan weli baaritaano,taas oo u Muuqata in Maamulku uusan Xil iska saarin Xoolaha la gaarsiiyay Heer ay iyagu si Cunaan Dadkana ay Hamiyaan Baahi darted.

Ugu dambeyn waxaa halkaas ka hadlay C.kariin Nuur Xasan Doobyare oo ah Lataliyaha Guddoomiyaha Gobolka banaadir ayaa sheegay in Arrintaan ay Soomaaliya oo dhan Saameyeyso.

WQ. C.laahi macalin abuukar   (Hagaajiye)

Radiowanlaweyn@gmail.com