January 20, 2017  (Radiowanlaweyn.com)

Wararka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Duqeymo xoogan ay xaley ka dheceen duleedka  Degmada Afgooye.

Duqeymahan ayaa Diyaarado Dagaal waxey ka fuliyeen Degaanada Warmaxan iyo Tixsiile oo ku yaalla Duleedka Degmada Afgooye.

Degaanadan ayaa la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan xarakada Al Shabaab.

Weli lama shaacin khasaaraha guud ee ka dhashay Duqeynta la tilmaamay in ay ka dhacday Gobolka Sh.Hoose.

Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka ayaa la aaminsan yahay in inta badan ay Duqeymo xoogan oo lagu beegsanayo Saraakiisha Al Shabaab ka fuliso qeybo ka mid ah Bartamaha iyo Koonfurta Dalka Soomaaliya.

WQ. C.laahi macalin abuukar   (Hagaajiye)

Radiowanlaweyn@gmail.com