Thursday, Jan 19, 2017  Radiowanlaweyn.com

Maclainka kooxda Atletico de Madrid ee Diego Simeone ayaa sheegay inuusan la yaabeyn in kooxda Manchester United ay la wareegi karto xidigiisa Antoine Griezmann isagoo sheegay iney awoodaan iney iibsadaan sidoo kalena ay bixin karaan dhamaan dhaqaalaha ku baxayo xidig u weyn sidiisa.

Simeone ayaa la weydiyay xiisaha ay Manchester United ee xidigiisa ayaa yiri “Layaab iguma aha iney doonayaan maadaama ay yihiin koox weyn oo awooda iney bixiyaan wax waliba si ay u helaan xidig tayadiisa oo kale leh”.

Waa xidig, qaab ciyaareekiisa joogto yahay, sidaasi darteed layaab iguma ahan iney kooxaha waa weyn ay doonayaan saxiixiisa, kooxo aanan kasoo bixi karin qiimihiisa ayaa jira mana xiiseynayaan saxiixiisa”.

Dhanka kale macalinkaan ayaa la weydiyay inuu xidigaan ku biiri karo United xagaaga danbe wuxuuna si cad u yiri “Cidna kuma heynayo kooxda, mana qasabayo inuu sii joogo kooxda, laakin waxaan ka fakarayo mar waliba in kooxdaan ay dhisnaato”.

“Isagu (Griezmann) waa ciyaariyahan aan caadi aheyn, kooxdaan muhiim ayuu u yahay”.

Radiowanlaweyn@gmail.com

WQ. Hagaajiye