Thursday, Jan 19, 2017 Radiowanlaweyn.com

Xidigaha ree Brazil ee kooxda Barcelona ka soo ciyaaray ayaa wada olole ay xidiga xulka qarankooda Brazil iyo kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho uu qayb uga noqon lahaa Barcelona, waxaana ugu danbeeyay Rivaldo oo markale indha Barcelona ku soo jeediyay Coutinho oo horumar wayn ku sameeyay kooxda Liverpool.

Ronaldinho iyo Neymar JR ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay si joogto ah uga soo hadlayay in Coutinho uu ku fiican yahay in uu ka ciyaaro kooxda Barcelona  laakiin Rivaldo ayaa markale xusay in saaxiibtinimada Neymar ay Coutinho si fiican uga caawin karto in uu Camp Nou kula midoobi karo. 

Rivaldo ayaa sheegay in suurtogalnimada uu Coutinho ugu biiri karo Barcelona ay tahay mid dhici karta maadaama uu aaminsan yahay in xidigaha fiicani ay Barcelona ku biiraan.

Rivaldo oo wax laga waydiiyay Coutinho ayaa  Sky Sports u sheegay: “Fikradayda isagu waa ciyaartoy wayn kaas oo ay si fiican isku garanayaan Neymar. Waxaan filayaa in labadoodu ay saaxiibo yihiin, waa ciyaartoy isfahamaya. Waxaan filayaa in la soo wareegistani ay dhici karto sababto ah Barcelona markasta waxay soo jiidataa kuwa ugu fiican, miyayna ahayn?

Rivaldo oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Coutinho waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican isla markaana waxaan aaminsanahay in wareegistani ay dhici karto. Haddii uu Barcelona tago, waxa ay Barcelona u noqon doontaa wax hubaashii u fiican. Waa ciyaartoy xaqiiqdii caawin kara barcelona. Dabcan Barcelona waa koox wayn, laakiin ciyaartoy isaga oo kale ah waxay u noqonaysaa caawin wayn”.

 

WQ.  maxamed shuutaale

Radiowanlaweyn@gmail.com