January 19 (Radiowanlaweyn.com)Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay safiirka cusub ee Sacuudia u fadhiya Soomaaliya iyo kan Midowga Yurub.

Guddoomiyaha golaha shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu horayn xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo, kaasi oo ay ka wada hadleen adkaynta xariirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga yurub, dhamaystirka xubnaha Barlamaanka iyo sidii kaalin muuqata ay kaga qadan lahaa Midowga Yurub gurmadka abaaraha ee lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed.

Veronique Lorenzo danjira Midowga Yurub ayaa guddoomiyaha golaha shacabka ugu hambalyeeysay hanankii wanagsanaa ee ay u dhacday doorashada Guddoonka Barlamaanka, iyadoo xustay in kalsooni wayn ay ku qabto in si wanaagsan barlamanaku uu u maarayn doono doorashadda Madaxweynaha dalka , inta ka horaysana la soo dhamaystiro xubnaha ka harsan Baarlamaanka.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dalka Soomaaliya ay ka jirto abaaro saameeyey dad badan oo reer miyi ah marka laga yimaado ariimaha doorashooyinka Midowga Yurubna looga bahan yahay in gacan ku siyaan dowladda Soomaaliya siduu Gurmad lagu samata bixinayo dadkaasi loogu samayn lahaa .

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dhinaca kale kulan is barasho iyo salaam ah la yeeshay safiirka Cusub ee Dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr Maxamed Al Khayat, waxa ayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka iyo iskaashiga walaalnimada ku dhisan ee ka dhaxeeya Barlamaanada labada dal iyo sidii ay gacan walaltinimo kaga gaysan lahaayeen dowladda Sacuudiga abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Safiirka Cusub ee Dalka boqortooyadda Sacuudi Carabiya Dr Maxamed Al Khayat ayaa ugu horayn guddoomiyaha golaha shacabka Salaan uu kaga waday boqorka Sacuugiga guddoonsiiyay,waxa uuna balan qaaday in uu ka shaqayn doono sidii loo dhisi lahaa guddiiyo isku dhaf oo ka dhaxeeya Barlamaanada Sacuudiga iyo Soomaaliya, dowladdiisuna ay gacan ka gaysan doono arrintaasi.

guddoomiyaha golaha shacabka ugu hambalyeeysay hanankii wanagsanaa ee ay u dhacday doorashada Guddoonka Barlamaanka, iyadoo xustay in kalsooni wayn ay ku qabto in si wanaagsan barlamanaku uu u maarayn doono doorashadda Madaxweynaha dalka , inta ka horaysana la soo dhamaystiro xubnaha ka harsan Baarlamaanka.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dalka Soomaaliya ay ka jirto abaaro saameeyey dad badan oo reer miyi ah marka laga yimaado ariimaha doorashooyinka Midowga Yurubna looga bahan yahay in gacan ku siyaan dowladda Soomaaliya siduu Gurmad lagu samata bixinayo dadkaasi loogu samayn lahaa .

 

ibraahim buule