January 16 (Radiowanlaweyn.com)Saraakiil sar-sare oo ka kala socda AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado, xarunta maamulka Galmudug. Saraakiishan ayaa waxa ay kulan la qaateen madax ka tirsan maamulka Galmudug oo uu ugu horreeyo madaxweyne xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi.

 

 

Kulankan ayaa waxaa looga wadahadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan gudaha maamulka Galmudug iyo xaaladda amni ee deegaanada Galmudug.

Dhawaan ayay ahed markii khilaaf siyaasadeed uu soo kala dhex galay maamulka Galmudug, waxaana uu khilaafku ka bilowday fasax dheeri ah oo uu guuddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ugu daray xildhibaanada baarlamaanka Galmudug kuwaas oo diyaar u ahaa in ay yeeshaan kalfadhigooda caadiaga ahaa.

Guddoomiye ku xigaanka baarlamaanka Galmudug oo aan waxba kasoo qaadin ayaa fasaxa dheeriga ah ee guddoomiyaha baarlamaanka ayaa shiriyay xildhibaanada kuwaas oo shirka kaddib kalsoonida kala laabtay madaxweyne C/kariin Guuleed.

Madaxweynaha oo isna si deg-deg ah ku tagay magaalada Cadaado ayaa waxa uu wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday wasiirkii arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Galmudug Jaamac Xasan Salaad.

Wareegtada la soo saaray ayaa lagu sheegay in sababta loogaga qaaday xilka ay tahay Wasiirka xil gudasho la’aan iyo Amar Diido.

Saraakiishan ayaa magaalada Cadado u tagay sidii ay damin lahaayeen khilaafkan siyaasadeed iyo indha-indheynta xaaladda amni ee Galmudug.

ibraahim buule siyaasi