January 16 (Radiowanlaweyn.com)Kolonyo gaadiid ciidan ah oo ka tirsan kuwa AMISOM oo ka baxay magaalada Muqdisho , islamarkaana ku sii jeeday degmada Afgooye ayaa deegaanka Calamada shalay gelinkii dambe waxaa ay ku jiireen gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Inta la ogyahay sagaal ruux ayaa ku dhimatay 15 kalana waa ay ku dhaawacmeen shilkaasi ay ku lug leeyihiin ciidamada AMISOM kuwaas oo la sheegay in ay dul mareen gaariga caasiga ah ee ay rayidku saarnaayeen.

Gaariga ay jiireen Gawaarida AMISOM ayaa ah caasi kusoo jeeday magaalada Muqdisho iyadoo dadkii saarnaa ay noqdeen wax dhintay iyo sidoo kale wax dhaawacmay.

AMISOM ayaa qiratay in falkaasi shilka ah ay ku lug lahaayeen, ayna wadaan baaris ku aadan sida ay wax u dheceen.

Ma ahan markii ugu horreysay ee gaadiidka ciidamada AMISOM ay waxyeello u geystaan dad shacab ah, balse shilkan ayaa ka mid noqonayaa ugu ku khasaaraha badnaa ee ay ku lug yeeshaan.

 

ibraahim siyaasi