14 jan 2017 {radiowanlaweyn}_Madaxweynaha dalka, Mareykanka Barack Obama ayaa jimcihii shalay waxaa uu saxiixay  warqad lagu dhaqangeliyo talaabada uu dalka Suudaan ugu khafiifiyay cunaqabateyntii dhaqaale ee saarneyd dalkaas tan iyo 1997.

Talaabadan aqalka cad uu qaaday ayaa ah mid lagu garowsaday dadaalada dowladda Suudaan ay ku yareysay mushkuladaha gudaha wadankaas ka jira isla markaana hey’adaha gargaarka ay u ogolaatay in ay gaaraan goobaha dadka tabaaleysan joogaan iyo sida ay ula dagaalantay kooxaha argagaxisada.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa qorshahan waxaa uu ugu gol leeyahay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Mareykanka iyo Suudaan ka hor inta uusan ka tagin xafiiska.

War qoraalka ah oo laga soo saaray aqalka cad, ayaa sidoo kale, waxaa lagu sheegay in qorshahan lagu khafiifinayay cunaqabateynta dhaqaale  dib loo dhigayay muddo 25 todobaad ah, si loo eego sida dowladda Suudaan ay ugu go’an tahay isbedalada ay sameynayso.

Mr Obama, ayaa sheegay in warqad ay qoreen mudanayaal ka tirsan, Congress-ka Mareykanka ay ku sheegeen in cunaqabateynta madaxweyne Bill Clinton uu saaray dalka Suudaan ay burisay talaabooyinka wanaagsan ee Khartuum sameysay bilihii la soo dhaafay.

Cunaqabateynta dhaqaale ee dalka  Suudaan la saaray ayaa ka dambeysay markii dowlada Mareykanka ay ku dartay dalalka taageerada argagaxisada.

Hase ahaatee, Suudaan ayaa wali waxaa ay baaqi ku sii ahaan doontaa liiska wadamada loo aqoosan yahay in ay caawiyaan kooxaha argagaxisada sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay aqalka cad.

Cunaqabateynta laga khafiifiyay ayaa waxaa kamid ah maalgashiga, safarada, iskaashiga dhaqaale ee labada dal iyo arimo kale.

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa 2009 maxkamadda dambiyada aduunka ee ICC waxaa ay soo saartay warqad lagu xireyo kadib markii maxkamadu ay sheegtay in Mr al-Bashiir lagu heley dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay gobolka galbeedka dalkaas ku yaala ee Darfuur.

Hase yeeshee, madaxweynaha ayaa eedeymahaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah isla markaana waxaa uu diiday in uu hogaansamo armka maxkamadda ICC.

Dadka falanqeeya siyaasadda, ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump, laga yaabo in uu isbedel ku sameeyo talaabooyinka uu meel mariyay madaxweynaha xafiiska ka tagaya ee Obama.