14 jan 2017 {radiowanlaweyn}_Ayadoo habeen hore war qoraal ah kasoo baxay xarunta madaxtooyada soomaaliya kasoo lagu sheegay in madasha qaranka ee kulan taleefon ah oga wada hadleyn siyaasada dalka gaar ahaan xaalada Galmudug.

Gudoomiye Jawaari ayaa kahadlay kulankaas waxaana oo sheegay in oo ka qeyb gelin isla markaa madashaas ay dhamaatay madaama la doortay xildhibaanadii labada aqal kuwaasi oo haatan sharciyan ah.

Hadalkan ayuu jawaari soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uuna sheegay in Madasha ay ku guuleysteen in ay howlo badan  qabtaan inta aan lasoo dooran xildhibaanada Golaha Shacabka, balse waxa uu sheegay in haatan howlaha dhiman ay qaban doonaan Xildhibaanada.

Bartamihii sanadkii lasoo dhaafay ayee ahayd markii lasameeyay madal ay ku midoobeyn hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka iyo waliba masuuliyiinta ugu sareyso dalka.