Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dalka, ayaa waxaa ka mid ah ; Jeylaani Nuur Iikar, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, Faarax Sheekh C/qaadir, Khaalid Macow C/qaadir, Saciid Xuseen Ciid iyo Khadiija Maxamed Diiriye.
Guddoomiyaha gudiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka hor sheegay baarlamaanka in wax ka badal lagu sameeyay habkii markii hore loo soo dooran jiray guddoomiye ku-xigeennada baarlamaanka si waqtiga loo ilaaliyo. Xildhibaanada ayaa hadda mar kaliya u wada codeynaya musharixiinta guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad.