GABAY: KOOFIL Waxaa tiriyey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Talaado, 05 September 2006 00:00 | PDF Print E-mail
Koofil

Waa kan gabaygii uu Seyyidku ka tiriyey dilkii hoggaamiyihii ciidammada Ingriiska Koofil

Adaa Koofilow jiitay aan dunida joogayne Adigaa jidkii laguu waday jimic la’aaneede Jahanama la geeyow haddaad aakhiro u jihato

Nimankii jannow kacay war bay jirin insha’allahuye Jameecooyinkii iyo haddaad, jowhartii aragto Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda

Daraawiish jikaar nagama deyn tan iyo jeerkii dheh Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh Waxay noo janjuunteenba waa jibashadiinnii dheh

Jigta weerar bay goor barqaa nagu jiteeeyeen dheh Anigana jikrey ila heleen shalay jihaadkii dheh Jeeniga hortiisey rasaas, igaga jiideen dheh

Jidheeyadey ila dhaceen jilic afkoodii dheh Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego Billaawuhu siduu kuu jarjaray jiirarka u muuji

Nafjeclaysigii baan ku iri jaallow iga daa dheh Jaljalleecadii baa wadnaha jeex i soo ruqay dheh Jeedaaladii baa indhuhu kor u jillaadeen dheh

Jimic kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii dheh Markaan juuq iraahdaba afkey iga jifeeyeen dheh Dhaxaan jalaadee dheg baan jalaq la ii siin dheh

Goortaan jarreerana gefoo nolol ka jaanqaaday Sida janannadii hore tashigu igu jaguugnaa dheh Taladii jinnigu ii horkacay jisadeed helay dheh

Jiidaha xanuunka leh markii la igu jeeraarshey Jibaadka iga soo baxay dadkii jiifka qaban waa dheh Markay rubaddu jaw tiri or bay iga ag jiibsheen dheh

Jirkaygii bahal baa cunoo jiitay hilibkii dheh Jurmidiyo baruurtii dhurwaa jugux ka siiyaa dheh Jiljillaadiyo seedaha tukay igaga jaadeen dheh

Haddaan lays jikaareyn tolkay laga jil roonaa dheh Weligood waxaa lagu jaraa jilibdhig duullaan dheh Daraawiishi waa jibindhowga iyo jowga soo bixi dheh.

Qormada Suugant

Waa kan gabaygii uu Seyyidku ka tiriyey dilkii hoggaamiyihii ciidammada Ingriiska Koofil

Adaa Koofilow jiitay aan dunida joogayne Adigaa jidkii laguu waday jimic la’aaneede Jahanama la geeyow haddaad aakhiro u jihato

Nimankii jannow kacay war bay jirin insha’allahuye Jameecooyinkii iyo haddaad, jowhartii aragto Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda

Daraawiish jikaar nagama deyn tan iyo jeerkii dheh Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh Waxay noo janjuunteenba waa jibashadiinnii dheh

Jigta weerar bay goor barqaa nagu jiteeeyeen dheh Anigana jikrey ila heleen shalay jihaadkii dheh Jeeniga hortiisey rasaas, igaga jiideen dheh

Jidheeyadey ila dhaceen jilic  afoodii dheh