January 10 (Radiowanlaweyn.com)—Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo dhawaan xilka ka qaaday guddoomiyaha iyo ku xigeenka magaalada Beledweyne ayaa magacaabay guddoomiyaha iyo ku xigeenka magaaladaasi.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle ayaa sheegay in madaxweynaha latashiyo badan ka dib uu soo magacaabay guddoomiyaha magaalada Beledweyne iyo ku xigeenka guddoonka magaalada.

Maxamed Axmed Ibraahim ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Beledweyne, waxaana ku xigeenkiisa loo magacaabay Qadar Xasan Afrax.

Sidoo kale waxaa Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan loo magacaabay Ducaale Aadan Cabdi.

Ahlu sunna ayaa sheegata masuuliyadda maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Saacado ka hor ayay aheyd markii madaxweynaha Hirshabeelle uu xilka ka qaaday guddoomiyaha degmada Beledweyne iyo ku xigeenkiisii

 

ibraahim buule siyaasi