January 10 (Radiowanlaweyn.com)—Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamayaan ilaa afar musharax.

Sida guddiga qaban qaabada doorashada ay shaaciyeen waxaa maalinta beri ah la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabtaa doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa magaalada lagu daadiyay ciidamo badan oo booliska Soomaaliyeed ka tirsan, kuwaasi oo xaqiijinaya amaanka magaalada Muqdisho.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah midda ugu adag ee go’aamin doonta cidda noqoneysa madaxweynaha Soomaaliya, maadaama musharixiin la kala wato ku tartamayaan xilkaasi.

Waxaana tartanka ugu adag uu u dhaxeyn doonaa haddii wareega ugu dambeeya ay isla yimaadaan C/rashiid Maxamed Xidig iyo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay dhankooda isku soo diyaariyaan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

ibraahim buule