January 8 (Radiowanlaweyn.com)—Waxaa maanta la filayaa in musharixiinta guddoonka baarlamaanka ka hor jeediyaan xildhibaanada golaha shacabka khudbado ay kaga hadlayaan waxqabadka ay la imaanayaan haddii la doorto.

Sida qorshaha uu yahay xildhibaanada u taagan xilka guddoonka baarlamaanka ayaa soo bandhigaya waxqabadkooda, waxaana xigi doono xildhibaanada u taagan xilka guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka.

Xilka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah halka uu ka jiro tartanka ugu adag ee doorashada sanadkaan, waxaana ruuxa kusoo baxaa uu go’aamin karaa cidda ku guuleysanaysa ku xigeenka baarlamaanka iyo hogaanka dalka.

Waxaa jiro loolan adag oo u dhaxeeya musharixiinta madaxweynaha dalka, kuwaasi oo doonaya in ruux ay isku fikrad yihiin uu kusoo baxo xilka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cismaan Cilmi Boqore, ayaa sheegay in sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka loo gudbin doono liiska musharixiinta iska diiwaan gelisay xilka guddoonka baarlamaanka.

Inka badan 20 musharax ayaa u taagan xilalka guddoomiyaha baarlamaanka, ku xigeenka koowaad iyo ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

La soco waxii kusoo kordhaa

Radiowanlaweyn.com

 

ibraahim buule