January 8 (Radiowanlaweyn.com)— Wararka ka imanaya degmada Warshiiq ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in afar askari ay ku dhinteen afar kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii uu iskahorimaad hubeysan ka dhex dhacay ciidamo ku sugnaa degmadaas.

Iskahorimaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay maamulida bar kontarool oo ay gaadiidku maraan oo ku taal afaafka hore ee degmada Warshiiq.

Ciidamada ku dhintey iskahorimaadkan ayaa waxaa ka mid ahaa labo sarkaal oo kala hogaaminayay askarta dagaalku dhex maray iyadoo khilaafka labada dhinac uu soo jiitamayay maalmihii la soo dhaafay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugida oo u waramay weriye ka tirsan Radiowanlaweyn.com ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka Sh/dhexe in uu wax ka qabto isbaarooyinka iyo baraha koontarool ee aan sharciga ahayn ee ka jira gobolka.

Iskahorimaadyada dhex mara ciidamada dowlada ayaa ku soo badanaya gobolka Sh/dhexe iyadoo dhamaadkii bishii la soo dhaafay khilaaf dhex maray labo sarkaal uu sababay dhimasho iyo dhaawac sidoo kalaa ay ku barakaceen boqolaal qoys oo degenaa tuulada Baqdaad oo ka tirsan degmada Jowhar.

 

ibraahim buule