January 8 (Radiowanlaweyn.com)Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Baay ayaa maanta waxa ay xukunno ku riday Saddex Askari oo labo ka mid ah ay ka tirsan yihiin Ciidanka Koonfur Galbeed, halka Askariga kalana uu uu ka tirsan yahay Ciidanka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askartan ayaa Labo ka mid ah waxaa lagu eedeeyay in ay si sharci daro ah uga tageen Difaaca Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay, halka Askariga Saddexaadna lagu eedeeyay in uu iibsaday Qorigiisa.
Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Baay ayaa Hal Sano oo xabsi Ciidan waxa ay ku riday Askartan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Aadan Abuukar Maxamed.
Sidoo kale Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Baay ayaa maanta fasaxday Labo Askari oo lagu soo eedeeyay inay Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ay ku dileen dad shacab ah, laakiin lama helin marqaati ku cadeeyay Maxkamadda horteeda, sidaasi darteedna Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa waxa uu ku dhawaaqay in Askartaasi ay san lahayn wax danbi ah oo la sii daayay.
ibraahim buule