sabti 7 JAN -(radiowanlaweyn.com)Wararka laga helayo tuulada baransaarta oo hoos imaada degmada wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya halkaasi ay ka dhacday dhacdo ay aad uga naxeen dadka ku dhaqan halkaasi, kadib markii Hooyo ay si khaldan caruurteeda u siisay Sun kadibna u geeriyoodeen.

Caruurta Sunta la siiyay ayaa la sheegay in ay xanuunsanaayeen ayna heesay Khando, Wararka aan heleyno ayana sheegaya in galabta aabaha caruurtaasi uu geeyay xaafada dhalo ay ku jirto sharoobo iyo dhalo kale oo iyana sun ku jirtay sidasana ay isugu qaladay hooyada caruurta dhashay.

midkamid ah dhalinrada degmada ayaa warbaahinta wanlaweyn ushegay sida ey wax udhaceen

”Walaalow dhacdo naxtin leh ayaa caawa ka dhacday Wanlaweyn Hooyaa sadex caruur ay dhashay siisay sunta dhilqaha halkaas ayeyan caruurta ku dhinteen, hooyada ayaa iskui qaladay sunta iyo sharoobo kale , wax walbo qadar eebe ayey ku dhaceen aad ayaana uga wada naxnay ”Ayuu tiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Dhacdooyinka nuucaan oo kala ah ayaa mararka qaarkod ka dhaca gudaha Soomaaliya, waxaana inta badan sabab looga dhigaa in Hooyooyinka iyo aabayaasha qaar oon kala aqoon dhalooyinka ay daawooyinka sharoobada ku jiraan iyo kuwa sunta lagu shubto.

ismaaciilmire

Email.radiowanlaweyn@gmail.com