January 7 (Radiowanlaweyn.com)— Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada xubnaha aqalka sare ee goboladda waqooyi matalaya ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid doorashada xubnaha aqalka sare u matalaya Somaliland.

Guddoomiyaha guddigaasi Gen Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada dadban ee dowladda iyo masuuliyiin kale inay masuul ka yihiin dib u dhaca doorashada xubnaha aqalka sare u matalaya goboladda waqooyi.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in howlaha laga doonayay guddigooda ay soo idleeyeen muddo bil ka hor balse guddiga doorashada dadban ay heystaan sanaadiiqdii cod bixinta iyo shaqaalihii ka shaqeyn lahaa.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu jiro isqabqabsi la xiriira xubno cusub oo la doonayo in lagu badalo shaqsiyaad guddiga ay soo gudbiyeen, sida uu sheegay Jaamac Maxamed Qaalib.

Sidoo kale wuxuu sheegay in warqad baaris ah ay u gudbiyeen xarunta dambi baarista CID, maadaama sida uu sheegay lagu soo daray liiska musharixiinta shaqsiyaad aysan horey u gudbin.

Doorashada xildhibaanada aqalka sare u matalaya goboladda waqooyi ayaa la filayay in la soo gabo gabeeyaa Isniintii lasoo dhaafay balse ma aysan dhicin.

Waxaana muuqata in doorashada ay dhaceyso iyada oo ay maqan yihiin xildhibaanada aqalka sare ee deegaanada Somaliland.

 

ibraahim buule