January 6 (Radiowanlaweyn.com)—Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka mamnuucay Mootoyinka Bajaajta inay maraan xilliyada habeenkii wadada muhiimka ah ee Maka Al Mukaramma  iyadoo hore loogaga mamnuucay Bajaajta wadooyin kale.

Qaar ka mid ah darawalada Bajaajta oo si weyn loogaga isticmaalo magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay mamnuucidan cusub ee maamulka gobolka Banaadir ku soo rogay mootooyinka.

“Waxaan bixinaa canshuur waxaan diyaar u nahay in aan ilaalino ammaanka balse ma ahan in mar walba mooto bajaajka laga mamnuuco wadooyinka Muqdisho.”ayuu yiri Cali Nuur oo ka mid ah darawalada mootoyinka Bajaajta.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku macneeyay sababta looga mamnuucay bajaajta xilliyada habeenkii inay maraan wadada Maka Al Mukarama in ay tahay sugida ammaanka.

Hase yeeshee waxaa hore loogaga mamnuucay mooto bajaajta inay maraan qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Kumanaan dhalinyaro ah ayaa nolol maalmeedkooda ka hela shaqada mootooyinka iyadoo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay Mootooyinka Bajaajta qeyb weyn ka qaateen isgaarsiinta caasimada dalka ee Muqdisho.

 

 

ibraahim buule