January 3 (Radiowanlaweyn)Waxaa dalkaasi Mareykanka ku dhashay labo wiil oo mataano ah kuwaas oo kala dhashay labo sanadood oo kala duwan. Dhacdadan ayaa layaab ku noqotay dad badan, laakiin marka ay akhriyeen sida ay ku dhacday ayay macquul la noqotay.

Labadan wiil ayaa waxaa ay wada dhasheen hebeenkii uu soo galayay sanadka cusub ee 2017, balse waxaa u dhexeysay dhalashadooda 10 mirir.

Wiilka hore oo lagu magacaabo Sawyer ayaa dhashay saacaddu marka ay aheyd 23.59, daqiiqad ka hor marka uu sanadku isbadalayay, halka walaaalkii Everett uu isna dhashay saacaddu marka ay aheyd 00:09 sanadka cusub 2017.

Sidaas ayaa waxaa loogu diiwaan-geliyay labadan wiil ee mataanaha ah in ay kala dhasheen labo sanadood oo kala duwan (2016 iyo 2017).

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Glendale ee gobolkaasi Arizona.

 

ibraahim buule