January 1 (Radiowanlaweyn.com)— Wasaarada maaliyada xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka aysan heli doonin xaqooda seddexda bilood ee ugu horeysa sanadka 2017.

Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti, wasiirka maaliyada xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in miisaaniyaddii la dajiyay sanadkii lasoo dhaafay ineysan ku jirin mushaaraadka ay leeyihiin xildhibaanada aqalka sare.

Wasiirka wuxuu sheegay in miisaaniyada sanadkii hore lagu shaqeyn doono ilaa bisha seddexaad ee sanadkaan 2017.

“Xukuumaddu waxay ku shaqeyneysaa seddexda bilood ee soo socota 2016 miisaaniyaddii xildhibaanada ay ansixiyeen, micnaheedu wuxuu yahay in meesha uu ka baxayo xuquuqda ay lahaayeen aqalka sare, waxaana lagu shaqeyn doonaa miisaaniyadii 2016″ayuu yiri wasiir Fargeeti.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa looga fadhiyaa iney ansixiyaan miisaaniyadda xildhibaanada aqalka sare, maadaama sanadkaan ay ku cusub yihiin baarlamaanka.

ibraahim buule siyaasi