December31 (Radiowanlaweyn.com)Taliye kuxigeenka ciidamada Villa Somalia ayaa si bareer ah loogu dhex dilay xarunta madaxtooyada, iyadoo lagu dhuftay dhowr xabadood oo qeybaha sare jirkiisa ka haleeshay.

Taliyaha ayaa waxaa lagu magacaabi jiray G/Sare Cabdi Qoorgaab, waxaana dilkiisa geystay askari ka tirsanaa ilaaladiisa, kaasoo dhex maray muran ku saabsan gunada la siiyo ciidamada madaxtooyada.

Askariga falkaan geystay ayaa la sheegay inuu baxsaday markii uu dilka taliyahiisa geystay. mana jirto war kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya oo uu ka tirsanaa G/Sare Cabdi Qoorgaab,

 

 

ibraahim buule

 

Email;Radiowanlaweyn.@gmil